Error Baa Jira! Javascript Error

Fadlan Enable garee Javascrip si aad u gasho Webkaan
Horn cable Tv Logo

DAAWO : Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Mudqisho ku Laabtay

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Mudqisho ku Laabtay


WARARKI KALE HALKAN KU DHUFO
Maxaa Xiise Leh
Maxaa Cusub
HORN CABLE LIVE LIVE TV
TODAY SHEDULE
Now News
Next Entertainment
[in 50 mini]
qualitytechlinkk
OPINION

MAQAAL : MA RABTAA INAAD GUURSATO XAASKII KOWAAD AMA LABAAD

Guurka:- waxaan laba isku khilaaf-saneyn qiimaha iyo muhiimadda Guurka, waxa kale oo iyana jirta in guurkii Yaraaday, Deegaanada qaarkood Hordhac:-qormadan waxaan kaga faaloondoonaa wacaalkayga “ogoolkayga” iyo hadba inta ay garashadaydu ka gaadho, muwduucan salka ballaadhan,                                                                                    maxamed xaashi dhammac garriye “naxariis janno raxmaanku ha siiyee”, ayaa laga hayay (nin raggii eraygiisa afeef buu ka dhigtaaye, rabow Eex ma tiraabine aqoon ha igu cadaabin)                             shinkii afarta Gu’ahaa ee aan ku dhex jiray baadhitaanka iyo lafa gurka arrimaha Qoyska wixii iiga baxay aan wax ka  soo  qaato . Waa arrin fikirkeeda dad baan aan ku kala Gedisanaan karno, wixii Gorfeyn ah na diyaar ayaan u ahay. Cidii si wax iila aragtana waan u mahadnaqayaa, cidii I dhalliishana waan soo dhaweynayaa. Obucda Qormadan:- si qoraalkaygu u noqdo mid lagu kalsoonaan karo, Aqoon ku dhisan isla markaana xambaarsan waxa aan u aqaano “Runta qadhaadh”, waxaan sal uga dhigayaa, Cilmi baadhis aan markii hore sameeyey 2012, oo aan waday muddo laba Gu’ah, markii danbena wax ku darayGu’gii 2013, kuna soo bandhigay Muuq-baahiyeyaasha ay ka mid ka yihiin,Universal TV, Radio Television of Djibouti, Horn cable. Royal TV. Iyo Radio Faana.        Guurka, wakhtiga iyo Duruufaha, Ragga iyo Dumarka. Guurka:- waxaan laba isku khilaaf-saneyn qiimaha iyo muhiimadda Guurka, waxa kale oo iyana jirta in guurkii Yaraaday, Deegaanada qaarkood haddaan farta kufiiqo Laga soo bilaabo Diri-dhaba ilaa Jabbuuti dhinaca kalena Jabbuuti ilaa Wajaale dib haddaan u noqdana wajaale ilaa Burco. Deeganadan  Marka dhul weynaha ummadda somaaliyeed ku dhaqantahay loo eego, waa laga weyn yahay. Hayeeshii mihiimadiisa ayuu leeyahay, Marka aan ka hadlayo Guur yaraanta  Bal Astaan ahaan aan u soo qaato Meesha aan Asal ahaan ka soo jeedo, waa Soomaalilaand. 1.0: Guurka Soomalilaand; Ammin walba waxaan Qalinka ku adkaynayaa in dhaqanku Nolosha iyo guurkaba maamulo, sidoo kale duruufaha iyo kala gedisanaanta waayaha noloshuna saameyntooda ku leeyihiin “Hab-sami u socodka Guurka”,  cilmibaadhistaydu waxay daaha ka qaaday in wadarta guud ragga reer Soomaalilaand tahay 40% halka dumarkuna ka yihiin 60% laba tirro ayaan mid kastaba gaar kiisa hoos ugu daadegiyaa. 1.1:  Raggu Soomaalilaand Bulshada waxay ka yihiin 40% Waxaa jira kala duwanaansho badan oo ragga iyo dumarka ah, tusaalaha ugu weyn waa; Raggu haddii uu Balwad yeesho, balwadaasuna noqoto mid jiidatay ama uu si xad-dhaafa u isticmaalo, waxu ilaabaa inuu reer dhisto, ama guursado, halka dumarka hadday si kasta balwadi u jiidato aanay marnaba Qalbigeeda ka baxayn inay reer dhaqato. Tiradan 40 % ee ragga ayaan waraaqo cilmiyeed  su’aalo ku jiraan u qeybiyay, waxaa ii soo baxday in    25 % ay Balwada jaadka ku mashquulsan yihiin oo wakhtigan aanay diyaar u ahayn Guur. 8 % ay ku mashquulsan yihiin dhoof oo ku jiraan qorshihii ay dalka kaga bixi lahaayeen, waxaa hadhay 7 %, Rag kamida ayaa qalbigoodu u soo jeedaa Guur, waxa ku gadaamin, ü  Guurkii oo qaali ah, ü  Maciishadii oo qaali ah, ü   kiradii guryaha oo qaali ah, ü   Arooskii oo lacag badan in  lagu tumo u baahan, ü  shaqo la’aan baahsan oo jirta, ü   Dalka oo mushaharo qoys ku filan aan lagaga shaqeyn inta badan , ü  fursadaha shaqo oo Qabiil iyo qaraabo kiil lagu helo. Iyo qaar kale oo badan.   1.2: Da’da guurka ragga reer Soomaalilaand Haddaad arrintan hoos u gasho dal kastaaba wuxu leeyahay da’ raggiisu ku guursadaan haweenka, da’daas oo ku xidhan hadba dhaqanka ama dhaqaalaha ummadaa, teena haddaan u soo noqdo, ragga reer Soomaalilaand ee dalka ku sugan celcelis ahaan waxay ku guursadaan da’da (35 jir).  Mar aan su’aashan wakhtiga ay guursadaan ku saabsan waydiiyey 321- wiil,  jawaabta shaxanka hoose ka eeg. 203 wiil waxay yidhaahdeen 30 jir ilaa 35 jir 55 wiil waxay yidhaahdeen 25 jir ilaa 30 jir 20 wiil waxay yidhaahdeen 18 jir ilaa 24 jir   Shaxankan oo ay inooga soo baxayso, astaan beegga guud ee Da’aha dhallinyarada reer Soomaalaand ku guursadaan,  halkaa marka aynu joogno waxaynu milicsanaynaa arrimaha kale ee la hal-maala Da’ guurka, waana fogaan-shaha cimri ama hilaaddeed ee u dhexeeya lammaanaha Is guursanaya, Dunidu in badan ayay ku dadaaleysay in la isku dhaweeyo da’da lammaanaha is guursanaya daraasaydu markay baadhay dhib ka imanay haday da’ahaan lammaanuhu aad u kala weynaadaan, isa “321”kii wiil ayaan waydiiyay Da’da dumarka ay guursanayaan, shaxan kan hoose ila eeg: 222 wiil waxay yidhaahdeen 17 jir  ilaa 19 jir 80 wiil waxay yidhaahdeen 20  jir ilaa 25 jir 19 wiil waxay yidhaahdeen 25 jir ilaa 30   Shaxankani waa callaamad tilmaamaysa in Ragga reer Soomaaliland90 % ay jecel yihiin inay guursadaan gabadh ugu yaraan ka yar 17 sannadood, taasi macneheeduna waxaa weeyaan, in wiiil kasta oo guursada gabadh ka yar 17 sannadood uu ka soo dul booday 17- Fac ama lod oo gabdho ah,  mar kale aan eegno waxa dhici kara haddii (8000) wiil ay ku guursadaan  Da’da “35 jir” guursadaan gabdho “18 jiro ah”, waxa sababayaan in sannadkiiba(136.000) hablood  ay gaadhaan Da’da 35, iyagoo aan guursan, wax rajo ah oo sidaa buuranna u muuqan. Qadarkooban haddaan dib raadraac ugu samayno qoraalkeena, waxaa kor ku xusan in7 % ragga ay diyaar u yihiin inay guursadaan dhinaca kalena waxaad u qeybisaa 60 % oo haweenkii ah oo diyaar u ah inay guursadaan, wiilkiiba waxaa ku haggaagaya (8 hablood) Haddaan doodda dhinacaa iska taagay, waxaa ii soo baxday mihiim’nimada haddii la helayo rag  wanaagsan oo waajibaad ka saaran gudanaya inay guurka badiyaan, hadday shuruudahan hoose buuxin karaan. Ø  Waa inuu nin ku yahay nin awood dhaqaale oo labada reer uu ku wadi karo leh. Ø  Waa in ragganimadiisu dhammaystirantahay oo ku filanyahay labadda xaas. Ø  Waa inuu yahay caddaalad u samayn kara labada xaaas. Ø  Waa inuu nin go’aan qaadasho wanaagsan, dhammaan hawl maalmeedka noloshu waxay u baahan yihiin go’aan qaadasho wanaagsan, gaar ahaanna hawlaha qoysku, marku nin ku rabo inuu laba xaas wada qabo, 1) way isku hinaaayaan, 2) way ficiltamayaan, 3) way dartamayaan, 4) way is xaasidayaan, 5) mashaakilaad ayay  gacmahooda ku Abuurayaan, 6) midba mida kale ayay u fiirsanaysaa, 7) midba mida kale ayay ku odhanaysaa waad iga jeceshahay, gabi-ahaanba hawlahaa kor ku xusan waxaa ka dabaalan kara nin Go’aan qaadasho wanaagsan oo daganaan iyo waayo aragnimo nololeed leh. Looma bahna nin isku buuqa, fikira oo wax weyn iskaga dhiga dhibaatooyinka qoyska, waxaa loo baahan yahay nin daganaan badan muujiya. Ø  Waa inuu yahay nin yaqaan xaquuqda lammaanaha oo kala fahmi kara, ugu yaraan wixii isagu uu xag u leeyahay iyo waxa xaasasku xaq ugu leeyahay. Intaas oo shuruudood Nin ka soo bixi kara waxaa mihiima inuu reer labaad sameeyo,  faa’iidooyinka ugu waaweyn ee labada reer laga dheefana waxaa ka mida, tafiirtaada oo badata ama ubad badan oo aad dhasho.   1.3:   Guurso xaas labaad haddii dhibkani ku haysto………… ü  Haddaad awood dhaqaale u leedahay xaas labaad. ü  Hadday jirto duruufo dhaqan qoys oo aad ka dareentay xaaskaaga sida, xaaskaaga oo kulul ama dhibbadan, ü  Haddii xaaskaagu aanay kuu wanaagsanayn, dhinaca dhaqanka reerka gaar ahaan  Gogasha ama cunto karinta. ü  Haddii aad muddo dheer xaas lahayd oo ilaahay wax ubadda aanu idin kala siin, adiguna intaad dhakhtar tagtay baadhitaan caafimaad kadib kuu soo baxday inaad “wax dhali karto” haddii rabi Qoro. ü  Haddaad leedahay hammo ama dareen  aad u badan oo baahida badana awgeed aad dareento inay xaaskaagu dhibsanayso. 1.4: Guurka Qar iska xoornimada…… ü  Haddaad qabto xaas shaqaysa, reer ladan ka soo jeeda, duruufo dhaqaale oo badan kaala soo dabaalatay, carruur dhawr ahna kuu haysa. ü  Haddaad carruur badan oo isku-nuugga leedahay, ogtahayna in reerkaagan ku burburayo guurka xaaska labaad carruurtuna kaa dayac mayso. ü  Haddii xaaskaaga hore oo wakhti badan aad nolosha wada qaadateen ay leedahay wadne xannuun ama dhiig kar, oo aad ka baqayso haday maqasho inaad guursatay cadhada hinaasaha dartii ay dhibi soo gaadhi karto sida wadnaha oo istaaga ama dhinaca oo qalala.   1.5:Ka dhaadhicinta xaaska inaad guursanayso waxaad u baahantahay…… ü  Inaad si fiican u daristo dhammaan dabeecadaha xaaskaaga, gaar ahaana wakhtiga ay cadhooto iyo inta cadhadeeda ugu badan ay saamayn ku yeelato nolosha qoyska, ü  In maalmaha aad soo wadato guurka xaaska labaad aad gabadho ku daydo waxyaabo ay ka hinaasto, si aad mashkaxa ugu  sii eegto. ü  Inaad gabadha masaajidka u kaxayso, si ay muxaadirooyinka u soo dhagaysato, oo hadhow haday hinaasto aad dhinaca diinta uga soo marto. ü  Inaad u soo duubto muxaadirooyin ka hadla “xuquuqda lammaanaha”, si ay ugu qanacdo in (ilaahay kuu fasaxay inaad reer kale samayn karto”. ü  Waxaa lagaaga baahan yahay inaad uga sheekayso ama wadaad ugu yeedho oo guriga aad ku soo casuunto si uu uga sheekeeyo “ taariikh Nololeedkii Nabi Maxamed N.N.K.H gaar ahaan Nabiga iyo xaasaskiisa”, ü  U soo urruri dhacdooyin wanaagsan oo dhex maray nin laba xaas leh ama ka badan leh, xaasaskiisu is ogol yihiin, carruurtu wada ciyaaraan, nolol wanaagsan ku jiraan dhammaantoodba. 1.6:  Aragtida Qoraaga Noloshan aan sawiray,saadilayay,wax ka qoray, ama ka talo bixiyay, waxay ku koobantahay aragtidayda iyo waayo aragnimadayda Goortii aan arrintan  wax baadhayay oo waliba ku kooban Geeska Africa. Haddii akhristayaashayda qaar kamida ay joogaan meel ka baxsan geeska Africa, wixii xog ah ee khusaysa arrimahan Qoyska, waxaan soo dhaweyn lahaa  inay dhambaalo iigu soo diraan ciwaankayga “ Somaliland_author@yahoo.com”, cidii guud ahaan qormadan wax gef ah ku aragta, waan soo dhawaynayaa inay ii sheegaan, waxaanan markasta jecelahay inaan isa saxo.  Waxaan hubaa qof kasta uu Gef samayn kara. 1.7:  Guubaabada Qoraaga ee dhallinta aan guursan wali.   Naftayda iyo Ta wallaalahayga dhallinyarada ah ee aan wali guursan-ba, waxaan kula talin lahaa inay  guursadaa,  inkastoo guurku Qadar Allah ku yimaado, muddo seddex sanno ah waxaan niyada ku hayaa inaan guursado, Baahida ugu weyn ayaan guur u qabaa, Habeen kaliyaata ma jecli inaan keli seexdo, way wanaagsanaan lahayd inaan Sarriir diiran ka soo toosa, laakiin wali ilaahay ilaahay ma qadarin, Arrinta ugu weyn ee aan dhallinyarada ka waaninayaa  waa:- in aanay  badin shuruudaha ay ku xidhayaan guurkooda gaar ahaan marka ay soo gaadho xulashada lammaanaha. Markastana waxaan hogo tusaale u soo qaataa, haddaad tidhaa:- A)     waxaan u baahanahay inaan Gabadh guursado:waxaa kuu bannaan dhammaan haween weynaha adduunka. B)     Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh African ah:waxaad halkaa wayday dhammaan hablihii qaaradaha kale u dhashay. C)     Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh soomaaliyad ah:waxaad hadana wayday hablihii kale ka soo kale jeeday dhammaan qoomiyadaha kale ee Africa ku dhaqan. D)     Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh reer soomaalilaand ah:halkaana waxaaga  hadhay haweenkii kale soomaaliyeed ee ka soo kale jeeday Jabbuuti, Soomaaliya, Kenya, Dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya. E)      Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh reer Hargaysa ah:halkaana waxaad kaga tagay hablihii kale ee gobalada soomaalilaand. F)      Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh reer sheekh madar ah: waxaad ka guurtay hablihii kale shanta dagmo ee caasimada daganaa. G)     Waxaan u baahanahay inaan guursado Gabadh reer sheekh madar ah oo dhuuban , Cas, dheer:markaad dooratay gabadh xaafad kamida magaalada hargaysa dagan, aanad ka sii dooratay, Midab cas, dherer iyo dhuubni, halkaa waxaad kaga tagay, hablihii shuruudahan aad sheegtay aan lahayn ee xaafadan aad dooratay daganaa oo dhan. “Waxba qalinku yuu ila tarraarixine, Obocda Guubaabadaydu waxay daarantahay in markasta oo shuruudaha guurka aad badiso ay yaraanayso fursadda suurto galnimada inaad guursato”,   1.8: Midhka Qoraagu odhanayo Ragga Xaasleyda ah Qof walba isagaa is qiyaasi kara, markaad is qiyaastaan haddaad dareentaan inay jirto fursad aad reer kale ku dhisi karto, dhis waxaanad ogaataa inay jiraan hablo badan oo wanaagsan oo guryahooda jooga, iyaguna u baahan guur iyo nolol, una qalma in nolosha lala wadaago, waliba tabanaya in raggii balwad ku mashquulay,  haweenkaasina idin tuhmayaan oo halku dhiggoodu yahay (nin kii wanaagsanaa Naag baa haysta) 1.9: Ducada Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu inoo barakeeyo Guurka, Haweenka Ubadka iyo noloshaba, inagana dhammeeyo  khilaafaadka qoyska, Ilaahayow Gabadh kasta oo ummadan ka mida oo xaqii nin keeda ay ku lahayd wayday u gargaar, Ilaahow Gabadh kasta oo nin keedii ka dhintay oo carruur agoona la dhibaataysan farash khayr leh u keen. Ilaahow Ragga masuuliyada noo garansii, Ilaahow haweenka iyo ragga ba intii lunsan noo soo hannuuni. Ilaahowifka nolol wanaagsan oo raaxo leh aakhirana janno ayaan ku waydiisanay. Amiin …… Amiin …… Amiin … Wixii su’aal Xidhiidhka Qoraaga: 4442363

MAQAAL : Puntland, GOOSO ama GAABSO!

Maamul beeleed iyo boqollaal madaxweyne tuulana waxaa sabab u ahaa Federalkii (BEELAYSIGII) Xerta Xabashidu Kenya keentay Jabhad iyo Jihaad waxaa dhalay, oo sabab u ahaa jujuubkii Siyaad Barre (AABBAHA BURBURKA SOOMAALIYA) oo maalmaha foodda inaga soo haya in badan oo wali rumaysan AABBENIMADA Siyaad ay xus isu qabanqaabinayaan aan qaab lahayn. Afar iyo bar iyo awood qaybsi beeleed qayaxanna waxaa billaw u ahaa maamulkii Carta, ee C/qaasim horjoogaha ka ahaa, qaybna ka ah cuuryaaminta Jabuuti Soomaali ku hayso mid ka mid ah. Maamul beeleed iyo boqollaal madaxweyne tuulana waxaa sabab u ahaa Federalkii (BEELAYSIGII) Xerta Xabashidu Kenya keentay, oo C/laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi hormuudka u ahaayeen. Gobolaysi, beel dawlad sheegata iyo deegaan goosta ama gooni isu taaganawaxaa ugu  horreeyey Waqooyi, oo ay kuwa badan ka barteen ama uga daydeen ugana dayan doonaan, haddana, haddii laga goostay waa kuwaa beelaha dagaal iyo dirir kala duldhacay, oo duullaan iyo weerar ku qaaday. Allaw adaa faxan. Anigu waan go’i karaa, balse, aniga la igama go’i karo, bal isqabadsii adigu waa ku kaase. FAQASHTA cusub ma ahane anigu magac kale u waa. La yaabse ma lahoo Siilaanyo ayaa u madax ah, oo  Kaadir iyo Kuray Siyaad Barre ah iyo ardadii ka aflaxday ka mid ah.10sano ka badan, oo magaca FEDERAL lagu maalayey MAANDEEQ, wali way magangali la’dahay, hadda ayeyba macangag iyo u martisay ma quuste ka daran qabqablayaashii iyo wadaaddii diin dacareedka iyo waallida waday. Mudane Cabdiwali Gaas madaxa maamul beeleedka Bari ayaa dhawaan caddeeyey in maamul beeleedkiisu uu dawladda Federalku (Beelaysiga) xiriirka u jaray, ka dib markii xerta Xalane ee Xamar joogta ay maamul ku sheeg u xarriiqeen Gobollada Dhexe  (Mudug iyo Galguduud) oo aan wali yeelan maamul mid ah iyo maarayn ay wadaagaan. Mudane Gaas, isagoon ka fiirsan ayuu wuxuu is kala jiiday eray caan ka noqday Soomaalida dhexdeeda, oo inta badan deegaankaas ka yimaada, oo ay adeegsadaan mar walba oo isfahmi waayaan dawladda. Midda la yaabka ahi waa, maangal iyo ma tahay wax maskaxda gali kara in mar walba oo ay hummaagi soo gasho dhexdooda in la yiraa; DAWLADDA XIRIIRKA AYAAN U JIRNAY? Bal adba. Xiriirka haba la jaree, horta horay ma u jiray? Ta kale, horta aragti iyo aqli aan ahayn xiriirka ayaan goynnay ma jirtaa, oo lagu soo gudbisto sida aad wax u aragto, waxa aad diiddan tahay iyo waxa aad rabto? Maalin walba ma waxaa lagu jirayaa xiriirkaan u jirnay iyo kalsoonidii ama aqoonsigii waa kala laabannay dawladda? Yaab. Laye; “Gartaadood gambarkaaga ku helaysid, Garbasaarkaaga looma qaato!” Horta waa yaabe nimanka sannif badanaa oo samir yaraa, sedbursi jecelaaoo sinnaan necebaa, si aan kuugu caddeeyey adoon sasin anna igu sirmin aan kuu saafee sadarrada sii raac; RWhii hore mudane Cumar C/rashiid marka laga soo tagoin xukuumaddiisu ay horseed ka ahayd warqaddii xumeed, ee shakiga iyo muranka galin gaartay BADDA IYO XEEBTA SOOMAALIYA, haddana, waxaa lagu xasuustaa heshiiskii eexda ahaa, ee uu beeshiisa (Maamulka Bari) kula galay magaalada Gaalkacyo, ee dhigayey in ay qaataan 25% deeqda waxbaarsho ee Soomaaliya la siiyo! Waa yaabe, Soomaaliya miyey 25% ka yihiin, si ay tiradaa ugu xisaabtamaan ama dalbadaan mise waa uun sedbursigii Soomaali dhexyaallay? Bal adba. Taa ka sokow, 2011kii markii la xulayey xubaha xildhibaannada baarlamaanka ayaa mudane Faroole isku dayey inuu afduubto xildhibaannada Maamulka Khaatumou soo gali lahaa baarlamaanka, oo uu garan waayey baarmalaanku deegaan, gobol iyo maamul lagu xuli maayee, oo waa beel iyo oday dhaqameed xulidda u daa Odayaasha Khaatumo, oo markii dambe Alle u baxshay mudane Sh. Shariif, haddii kale Faroole ayaa afka u dhigan lahaa iyo sedbursi jacaylnimada. Ta kale mudane Gaas isaga ayaa laga hayaa; “PUNTLAND MAALIN WALBA AALKOLIISTAY GUURSATAA!” haddaba, maanta hadalkaa yuu qabtaa; isaga mise qof kale?! Bal adba. Mudane Gaas isaga ayaa afkiisa ka qirtay inuu u sedburshay beeshiisa mar uu olole doorasho iyo ku jiray u tartanka guddoonka beesha hoggaankeeda siyaasadeed qofka qabanaya, intii RW uu ahaa muadne Gaasayaa maamulkaas mar kale loo saxiixay dhismaha Garoonka dhaqaalaha ku baxaya, isagoo yiri: “Markii caddaaladda la eego, armaa sedburiino ay qaateen ayaan is leeyahay?!” oo yaa siiyey? Isaga dee, yaa kale, oo run ahaan dad badan aysan ku baraarugin, maxaa yeelay, waa hadal ugu yaraan ku noqon kara dacwad laguna furi karo baaritaan, balse, ayaandarro meel iyo maqaam looga furo ma joogno, balse, isaga ayaa taariikhda iyo sooyaalka isugu diiwaan galiyey, oo hadhaw iyo had dambe labadaba qof dood iyo muran ka keeni kara uusan jiri doonin, maxaa yeelay, waa maqal iyo muuqaal, haddii aan indha adayggii iyo la adeegsanayn inkiraad qaawan. Balse, aqriste, hal QAACIDDOO DAHABI ah iga QABO, oo aniga iga QORO; “QOF WALBA OO BEESHIISA SOOMAALI UGA EEXDAA/SEDBURSHAA, WAXAA HUBAAL AH IN BEESHANA UU UGA SEDBURIN DOONO JUFADIISA, JUFADANA UU UGA SEDBURIN DOONO ILMA ADEERRADIISA!” waayaha, waqtiga iyo waaqica ayaan ka bartay ee bal adna qiimee, oo igu  soo warceli, haddii aysan saa ahayn. Intaan haddaan sedburiga aan la soo koobi karin aan uga haro, aan doc kale kaa tuso xaajadan gurracan iyo gocoshadan aan dhammaadka iyo lahayn gunaanadka. In waddanku hal dalwad yeesho ama in beel walbaa dawlad gaar ah noqoto labadaa wax ka dhexeeyaa ma jiraan. Tan dambe, aad bayu adag tahay marka la fiirsho siyaasad juquriyeedka dunida, haddana, la tixgalin waa qaab dhismeedka dunida iyo soomaalinnimada. Laba Cabdiwali RW xukuumadda iyo Madaxa Maamulka Bari ayan maalmahan kulan lagu sheegay; "Wada xaajoodka Dowladda Puntland & Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya" ku lahaa deegaankaa. RW Cabdi waa markii u horraysay halkaa, balse,Gaas mar qura ayuu Xamar tagay, isaga oo ka qaybgalayey aaskii Adeerkiis, oo malleeshiyo beeleed hore u soo kaxaystay! Haddaba, isweydiintu waa yaa mudan in loo tago; ma isaga (Gaas) mise madaxda dawladda? Waan ogahay inaad i leedahay, maxaa ku jaban booqashadaa? Waxaa ku jaban Gaas waa horjooge beeleed halka raggani soomaali oo dhan madax u yihiin, oo Gaas iyo beeshuna ka mid yihiin, sida uu isaguba markuu RW ahaa u wada metalayey. Balse, inta aanan kula gaarin dulucda iyo gunaandka, aan mar kale kuu taariikheeyo, illeyn iyadaa wax lagu qaataaye. La yaabka waa in had iyo jeer ay ku celcelshaan dastuurkii baa la badalay, oo Xildhibaan Xoosh oo isagu wax ka qooshay uu sheegay inaan waxba laga badalin marka laga reebo saddax qodob oo la isla wada ogaa, haddaba, haddii ay ewel DALTUURKAN fidnada iyo dagaalka horseeday dabada ka riixayeen, maanta maxay ugu celcelinayaan waa la badalay, waliba anagoo og inaan la badalin? Marka laga soo tago qaab qoraalka DALTUURKA qabyo qoraalka ah, ee la doonayo in dadka lagu siro ama lagu socodsiiyo, waxaa jira Dastuurro kale, oo waddanka ka jira, oo aan aad uga duwanayn midkan hadda la soo wado iyo kuwii horay u jirayba, dabcan waxaa kaw ka ah kan Somaliland, haddana, ma qodobbaynayo, illeen iyagu waxayba sheegteen inay dalka ka go’een, una dhaqmayaan sidii dawlad madax bannaan oo kale. Midse aan caddeeyo, in Dastuurka Somaliland yahay Dastuurka qura ee xalaal lagu tilmaami karo, ee looga dhaqmo gudaha Soomaaliya, xalaal waxaan u iri, waa Dastuurka qura, ee afti dadweyne lagu meelmariyay. Waxaan wada xusuusannaa kumannaankii Suulka qadda ku wada lahaa, ee Waayeel iyo Dhallinyaro, Rag iyo Haween, Masuul iyo Muwaadinba ka sinnaa, kaliya ma ahan, ee waa Dastuurka qura ee aan qol mugdi ah lagu malmalluuqin, ama toboneeyo aan cidna matelin loo xilsaarin meelmarintiisa, waa tii la yiri: “Xalaal barqaa la quutaa” iyo “Hillaac biyihiisuu caddaystaa”. Balse, layaabka ayaa ah marka aad akhriso Dastuurka Maamulka Puntland, waxaad arkaysaa wax marna kaa qosliya, marna kaa yaabiya. Waxaa Dasturka ku qoran qodobbo la yaab leh, haddaba aan tusaaleeyo: Magac bixinta: Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa kane aqriste ila eeg:“Dawladda Puntland ee Soomaaliya” Waaba weydiine, ma dawlad goboleed baa, mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad kale ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican”ka, ee ku taal Roma ee waddanka Talyaaniga, iyana iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey ku samaysan tahay. kheeyraadka Dabiiciga qodobka 53aad waxaa ku sheegan: 1.Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. Haddaba weydiinta ayaa ah: Puntland ma gobol Soomaaliya ka tirsan baa, mise waa dawlad madax bannaan?. 2.Dawladda Puntlandayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.Mar kale weyndiinta ayaa ah: Puntland inay sheegato awooddii dawladda dhexe, ma saxbaa?. 3.Dawladda Puntlandwaxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.Mar kale, oo haddaa dawladda dhexe maxay ku qaybsan tahay?. Aqriste, adoo maanka ku haya qodobka Jinsiyadda ee ku jira DALTUURKA qabyo qoraalka ah, bal Dastuurka Puntland sida uu uga hadlayo eeg, “dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland” Waaba weydiine, Qabiil qura Jinsiyad ma qaybin karaa? Maya, horta isagu ma yeelan karaa? Maya, Puntland ma qabiilbaa mise wa qaran? Maya, Puntland ma dawladbaa mise waa maamul goboleed? Meesha maradu uga dhacday –aan ka soo amaahdo Shariife- waa sida la isu qabadsiinayo labada Dastuur, kan Puntland meel marisay iyo midkan qabyada ah, aqriste bal sida ku qoran Dastuurka Puntland eeg: 1.Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno Sharci yaqaanno  iyo Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan Dastuurka Puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka. 2.Inta lagu dhammaystirayo Dastuur Federaal ah oo Puntland ansixisay, dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyo, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madax bannaan. Isweydii; maxaa ku kallifay in madaxda Bari ay u hadlaan ama u dhaqmaan sida ayagoo ah hoggaamiyeyaal dal madaxbannaan? 1998-2010 Maamulka Bari ma lahayn calan u gooni ah waxayna sheegi jireen inay yihiin kuwo had iyo jeer ruclo ugu jira  raadinta dowlad soomaaliyeed, riwaayaddan xaggee ku dambaysay?. Madax kasta oo booqata gobolkaas waxaa lagu soo dhaweeyaa calanka soomaaliya oo uu barbar socdo midka beeshaasi leedahay, taasoo la macne ah ima xukuntid ee waan siman nahay! Bal adba. Waaba su’aale, hadday madax bannaan yihiin, maxay Soomaalida inteeda kale u labayaan? Maa sida Somaliland bannaaka iska joogsadaan? Waa yaab, mana nala joogaan, mana na dhaafsana, aqriste, bal labadaa wax u dhexeeya miyaad ogtahay? Illeen maahmaahda ayaa ahayd: “Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waayacyacood”. Intan waxaan u xiganayaa, waxay tahay mudane Gaas ayaa barta uu ku leeyahay Faysbuuggawaxaa lagu soo qoray riyo maalmeed. Marka laga soo tago qaab qoraalka oo qaldanaa, haddana, aragtida gurracan ee uu xambaarsan yahay ayaa ah midda aan sadarrada sare ku xusay, haddana sii wadi doono. Maamulka Bari ayaa shirka la yimid qodobbadan;   1.      In Puntland ay qeyb ka noqoto Wadahadallada u dhaxeeya Maamulka Somaliland & Dowladda Dhexe. isweydiin; oo iyagu yey yihiin? Hubaal in wada hadalkaa lagu dedaalo sidii looga miradhalin lahaa, balse, iyaga maxaa ka galay? Wixii aragti iyo talo ay qabaan maa u gudbiyaan laamaha ku shuqulka leh, mise waa aan meel walba laaqo? Bal adba. 2.      In Puntland loo madax-banneeyo Heshiisyada ay la galayso Shirkadaha Shisheeye ee Shidaalka baara. Ha laguu madax banneeyee, naga dhex bax, markaa ayaad u madax bannaan doontaa, in ka horreeysa, dadkaa dawladdu masuulka ka tahay ayaad wax la qabi doontaa. “Punland; GOOSO ama GAABSO!” 3.      In Puntland ay ka mid noqoto dadaalka ay Dowladda Federaalka ku doonayso inay dib ugu soo celiso Shacabka Hantida Qaranka ee Dibadda ku xayiran.Guddi Qaran, madax u xilsaaann iyo wasaarado ku shuqul leh ayaaba jiree iyaga maxaa ka quseeyaa? War anagaa ebtelo aragnay, ma meel walba aan ku jiraa warkoodu? Mooji. 4.      In Puntland ay qeyb Libaax leh ku yeelato Khayraadka dalka & Dhaqaalaha loogu deeqo Dowladda Dhexe. hubaal inaad xaq u leedihiin, balse, ogsoonaada, inaad ula siman tihiin beelaha kale ama maamul beeleedyada kale, in (qayb) aan la siin inay xaqdarro iyo ay tahay siinnaan la’aan in idinka la idin siiyaa. Miyeysan saa ahayn?. 5.      In Dowladda Dhexe aqoonsato Shahaadada Waxbarashada Dugsiyada Dhexe & Sare ee Puntland.Xaq iyo gar baad u leedihiin in shahaadadaa la aqoonsado, balse, idinna dib ugu laabta aragtida iyo go’aanka keentay in la joojiyo, saa la iskama joogine, oo waxay ka dhalatay go’aan aad qaadateene. 6.      Iyo Mamul u samaynta Gobaladda Dhexeee dalka, Mudug iyo Galgadud, oo Maamulka Garoowe diiday.Wager! Waaba yaabe, maxaa idin ka galay Gobollada Dhexe, oo aad u doonaysaan inaad u faragalisaan maamulka ay dawladdu u dhisayso? Idinka sowdinka leh, khayraadka Bari waxaa leh oo ka faa’iidaysanaya dadka Bari. Mar kale, haddaadba Jinsiyadda Bari kaliya aad ku koobtay, maxaad dadka kale waxooda iyo maamulkooda kaa galay? Saw ma ahan sheekadii ahayd; “KAYGA ANAA ISKA LEH, KAAGANA KULA LIHI!” dawladda waxaad ku cadaadinaysaan noo daaya arrimaheenna iyo wax ka badan, isla markaana waxaad dalbanaysaan inaad guryo kale faragalisaan oo aad laaqdaan. DULMI BADANAA! Soomaali haddaan nahay waxa loo wado ordayo ee naga maqan waa nidaam dhammaan shacabka soomaaliyeed faa'iido u yeesha, sida in lahelo; amni guud, shaqo abuuris guud, caafimaad guud IWM, haddana, dhabbaheeda lama maro, oo mar walba tallaabo qalloocan ayaa la qaadaa. Waxaa hubaalah hadda in maamulka Bari ka dhisan aan intaas lagu wada heysan, haddaba, si nolol gees ka gees dadka Soomaaliyeed wada gaarto loo helo waa in si guud la isu kaashado. Haddaba, in siyaasiyiinta maamulka Bari far soo taagan ay noqdaan sida Gaaska hadda jooga iyo Farooleoo uga sii horreeyey ma wax ku eg siyaasigaa mise shacabka ayaa xitaa sidaan wada ah? Maxaa loo heli la’ yahay waxgarad arrimahan ka hor yimaada? Maxaanaga hortaagan in aan si Soomaalinnimo ah dhibka aan cid ku gooni aheyn ee nawada gaaray u garan la’nahay in aan u xallinno?. Haddii laga waayo putland wax garad ka duwan siyaasiyiintaan ee ey dhammaan isku caqli yihiin, fadlan iska Goosta oo dhibkiina na la dhaafa sida cinwaankuba yahay “Puntland: GOOSO ama GAABSO!” sida Waqooy bannaanka istaaga. “Dadka waalwalan waxay kor u sheegaan waxa dadkooda fiyoow hoos u sheegaan” hawraar ayaa leh.Labada dowladood, laba ummadood iyo laba dan, adigu macne u yeel, aan ahayn WAALLIDA DHAQANTA, Waaba hadday DHAQANTEE. Waxaa la yiri; “Labada dowladoodhaka shaqeeyaan danaha labada umadood!” labadee dawlad? Labadeese ummad? Anigu maan garan, ee yaa yaqaan?. Inizio modulo Gaasow iska gooso!Haddii Jaamicigii sidaa u hadlayo jaahil maxaad ka filan kartaan?! Idinka lee waaye. HA DHAQLAYSO!Waxaa igu soo dhacdey sheekadii ahayd; nin arkay nin madow oo Nuur loogu yeerayo, ee yiri; “Haddii Nuurkiinnu (Cadde) kan yahay, madawgiinnu see noqon?” hadda, haddii aqoonyahankiinnii sidan yahay geeljirehiinnu sidee noqon? Yaab. Waxaa la yiri; “Carra weelo ninna waa rabtay, raggana col bay la eheed”. Dhaka kale; sheekadan waxay u egtahay, Islaan inta wacal dhashay, iyadoo iska korsanaysa, oo ku qanacsan nin kale guursatay, markii wacalkii loo kenay, ee lagu yiri; kaalay ilmahaaga kaxays, tiri; kani ilmahayga kama mid ahan!Puntland Federalka iyadaa keentee ha koolkooliso, oo waxba yeysan ka didin. Waxaa jirta aragti leh, arrinta dhan waxay salka ku hasyaa gorgortan siyaasadeed oo ah si ay u aqbalaan in Gaalkacyo la raaciyo Gobollada Dhexe, muranka iyo xiriir jarkana ay daayaan, waa in la siiyaa xilka RW, sidii ay hore u ahaan jirtay, oo Xasan Sheeq laba mar ka qadiyey. U fiirso, mar walba oo xilka RW uu hayo mudane ka soo jeeda, markaa buuqaa iyo qayladaa lama maqlo? Haddaba, maxay ku dhacday? Ku darso; Farooleisaga ayaa qirtay, oo waliba ku faanay inuu riday oo sabab u noqday RW Formaajo. Bal adba.   Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com http://bilediraac.wordpress.com/ - See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=141253#sthash.eXTNSUTX.dpuf

WAX KA BARO XANUUNKA EBOLA (Waxa keena xanuunka, calaamadaha lagu garto, sida la iskugu gudbiyo, daawayntiisa iyo sida looga hortago) Dr.Mohamed-Culimo

    Dr.Mohamed-Culimo, mculimo@yahoo.com Hordhac: Xanuunka loo yaqaano Ebola Virus disease (EVD) oo wakhtiyadii hore loo yaqaanay Ebola haemorrhagic feverwaa xanuun dilaa ah oo ku dhaca dadka iyo xayawaanka qaar ka tirsan. Qofka uu ku dhacaa wuxuu u badan yahay dhinaca geeridda (qiyaastii 60% dadka xanuunka qaadaa way dhintaan). . Waxa dhaliya ama keena ili-ma qabatay (Virus) loo yaqaano Ebolavirus. Markii ugu horaysay ee adduunka lagu arkaa waxay ahayd 1976kii oo uu ka dilaacay wadanka koonfurta Sudan hasayeeshee waxaa la ogaaday inuu xanuunkan yahay isla sanadkaa dhamaadkiisii oo lagu arkay Congo/Zaire, gaar ahaan agagaarka wabiga Ebola (Ebola river), waana halka loogu magac daray.Ili-maqabatayga keena xanuunka waxaa loo qaybiyaa afar nooc oo la kala yidhaa Bundibugyo virus (BDBV), Sudan virus (SUDV), Taï Forest virus (TAFV) iyo Ebola virus (EBOV, oo wakhtiyadii hore loo yaqaanay Zaire Ebola virus). Waxaa ugu halis badan nooca loo yaqaan Ebolavirus/Zaire Ebola virus oo ah ka hadda ka dilaacay wadamada galbeedka Africa. Xanuunkan hada dilaacay waxa uu ka bilaabmay wadanka Gunea ee ku yaal galbeedka Africa horaantii bishii March ee 2014,hadana wuxuu si dhibyar ugu fiday Sierra Leone, Liberia, Nigeria, Senegal iyo daafaha dunida sida Maraykan iyo yurub (Spain).   Qaarada Australia wali lama xaqiijin qof xanuunka qaba hasayeeshee waxaa jira dad looga shakisan yahay oo baadhitaan lagu wado. Galbeedka Africa oo kaliya wuxuu xanuunku ku dhacay in ka badan sideed kun oo qof (8000), kala badh in ka badan(60%) dadkaasi way geeriyoodeen. Dalka Maraykanka laba qof oo la xaqiijiyey inuu xanuunku ku dhacay bishan October midkood wuu dhintay, kii kalena wali waa la dawaynayaa. Sidaas oo kale dalka Spain laba qof oo la xaqiijiyey inay xanuunka qaadeen,mid wuu dhintay, kii kalena cusbitaal ayuu ku jiraa. Xanuunkani wuxuu hore uga dilaacay wadamada Uganda, Congo, Sudan, South Africa, Gabon, iyo Cote d'Ivoire. Wakhtiyadii hore xanuunka waxaa lagu arki jiray meelaha miyiga ah laakiin hadda wuxuu ka dilaacay magaalooyinka. Sidee lagu qaadaa xanuunka? Fiditaanka xanuunka Ebola uma khatarbadna sida xanuunada ku gudba habka neefsiga. Xanuunkani waxa uu ugudbaa dadka marka dadku xidhiidh (contact) la sameeyo ama jidhka dadku gaadho jidhka ama dareerayaasha xayawaan qaba xanuunka sida daayeerka iyo cayayaanka duul duula ee shimbirta u eeg ee loo yaqaan fruit bat. Marka uu qofku xanuunka qaado ee uu calaamadaha yeesho dadka kale ayuu u sii gudbin karaa. Hababka ugu badan ee la iskugu gudbiyo waxaa ka mid ah qof xanuunka qaba oo aad gacanqaado (salaanto). Dhiiga,dhunkashada, candhuufta, mataga, saxarada, ilmada(tears), caanaha naaska, kaadida, manida iyo dhididkana waa lagu gudbiyaa .Sidaas oo kale qofku xanuunka wuu qaadi karaa hadii qofku cuno hilibka xayawaan qababa xanuunka. Xanuunku. Waxa kale oo uu ku gudbi karaaisku taga jinsiga. Xanuun dhaliyaha Ebola wuxuu inta badan qofka ka galaa sanka, afka, indhaha iyo nabaradda daloola ee jidhka ku yaala. Dadka ugu badan ee xanuunka qaada waxaa ka mid ah dadka hawlwadeenada caafimaadka iyo dadka xanaaneeya dadka uu xanuunku ku dhacay. Waxa kale oo iyaguna xanuunka qaada dadka maydha maydka dadka xanuunka u dhintay. Hababka kale ee aad xanuunka ku qaadi karto waxaa ka mid ah taabashada qalab caafimaad oo sidda xanuun dhaliyaha sida irbadaha iyo siriijyada. Xanuunka Ebola kuma fido, lagumana kala qaado neefsashada , cuntada iyo biyaha. Haddii qofku uu qabo xanuunka laakiin aanu lahayn calaamado ma gudbin karo, lagamana qaadi karo xanuunka. Calaamadaha lagu garto xanuunka Ebola Qofku wuxuu yeelan karaa calamadaha hargabka ama durayga oo kale.Calaamadaha ugu horeeya ee xanuunku waxay u eegyihiin kuwa xanuunka kaneecada/duumadda Calaamaduhu waxay soo bixi karaan laba maalmood gudahood marka uu qofku qaado xanuunka. Waxaa kale oo ay soo bixitaanka calamaduhu qaadan kartaa saddex todobaad. Calaamadaha lagu arko waxaa ka mid ah xumad aad u saraysa, madax xanuun, isgoysyada iyo muruqyada oo xanuuna (joint and muscle aches),daal, calool xanuun, shuban iyo cunto qaadashada qofka oo hoos u dhacda (lack of appetite). Marka uu xanuunku sii xumaado/xoogaysto habdhiska xinjirawga ayaa dhaawacma waxaana bilaabma dhiig bax jidhka gudihiisa ah (internal bleeding). Waxaa kale oo bilaabma dhiig ka yimaada indhaha, sanka, dhagaha, ciridka iyo xubinta taranka ee dumarka. Dadka qaar waxay matagaan/xunqaacaan dhiig, qaar kalena waxay qufacaan dhiig, halka qaar kalena saxaradooda ay ku arkaan dhiig.Dadka qaar kalena waxaa ka soo baxa finan yar yar(maculopopular rash). Xanuunku meelaha ugu badan ee uu saameeyo waxaa ka mid ah beerka iyo kalyaha. Sidaas darteed, dadka xanuunku ku dhaco waxaa dhaawacma beerka iyo kalyaha oo shaqada dhima ama fadhiista,todobaad ama laba todobaad gudahoodna waxaa suurto gal ah inuu geeriyoodo. Baadhitaankiisa Si loo hubiyo in bukuhu qabo xanuunka Ebola waxaa muhiim ah in laga baadho inuu qabo xanuunada kale ee ay isku eeg yihiin sida duumada/kaneecada,shubanka iyo viral hemorrhagic fevers . Waxaa haboon in dhiig laga qaado si looga hubiyo viral antibodies, viral RNA or virus-ka laftiisa. Shaybaadhka ugu fiicani waa ka loo yaqaan polymerase chain reaction (PCR) iyo enzyme-linked immunosorbent assay (ELISA). Dawaynta Ma jirto daawayn rasmi ah oo uu leeyahay xanuunka Ebola, inkasta oo hadda loo dadaalayo. Qofka uu ku dhaco xanuunkani waa in laga ilaaliyo inuu fuuq baxo, sidaas darteed waa in la siiyo biyaha loogu tala galay (fluids and electrolytes). Qofka neefsiga ayaa ku adkaan kara, markaa waa in la siiyo Oxygen. Dhiig baxa qofka ku dhacaa dhiiga qofka ayuu hoos u dhigaa sidaas darteed waa in dhiig lagu shubo. Waxyaabaha kale ee qofka la siin karo waxa ka mid ah xumad jabin iyo matag joojin.Waxaa jira dawooyinka kale oo xanuun dhaliyaha lagula dagaalamo waase tijaabo oo hadda ayaa gacanta lagu hayaa. Ka hortaga Xanuunka Ebola ma laha talaal lagaga hor tagi karo, inkasta oo hada gacanta lagu hayo qaar tijaabo ah. Ka hortaga ugu wanaagsani waa inaan qofku u safrin/socdaalin goobaha xanuunku ka jiro. Waa in qofku ka digtoonaado siyaabaha xanuunku ku gudbo ee aynu kor k soo sheegnay oo dhan.Waxa wanaagsan in gacmaha lagu maydho/dhaqo saabuun markasta. Hawl wadeenada caafimaadka ee gacanta ku haya bukaanka qaba Ebola waa inay xidhaan qalabka loogu talo galay ee lagu qariyo jidhka, wajiga, indhaha iyo gacmaha (gowns, masks,gloves and goggles) si ay uga hortagaan inay nafdooda halis galiyaan. Bukaha qaba xanuunka Ebola waa in meel gaar ah oo ka go,an bukaanada kale lagu daweeyo si loo yareeyo in xanuunku fido (habkan waxaa loo yaqaan kaaraantimayn). Qofkasta oo laga helo xanuunka Ebola waa in la raadiyo lana baadho dhamaan dadkii uu macaamilka la lahaa. Gabo gabo iyo talooyin: Xanuunka Ebola cabsi wayn ayuu dunida ku hayaa. Waxaa la saadaalinayaa in tirada dhimashada iyo tirada dadka xanuunka qabaaba ay kor u kacdo bilaha soo socda. Waxaaa la isku raacsan yahay in wadamada nidaamkooda caafimaad liitaa (poor health care system) ugu halis badan yihiin fiditaanka xanuunka.Xanuunka Ebola wuxuu keeni karaa culays dhinac walba leh oo aanay inta badan qaadi karin wadamada Africa ee maamul xumada iyo dhaqaale la aantu iskugu biirtay.Sidaas darteed, waxaa haboon in bulshada la baro xanuunka si ay u fududaato ka hortagiisu. Sidoo kale waxa muhiim ah in tababar la siiyo hawlwadeenada caafimaadka, lana sameeyo qorshe dhamaystiran oo lagula tacaalo xanuunka hadii uu dilaaco. Dhamaad Dr Mohamed-Culimo Yusuf Aw Cali London

Somalia has turned the corner. by Abdirahman Dualeh Beileh

  by Abdirahman Dualeh Beileh   From the collapse of the last official government of Somalia in 1991, led by military strongman Siad Barre, to the election of this new government led by President Hassan Mohamud Sheikh in September 2012, Somalia has experienced enormous changes. Immediately after the government fell, state institutions failed to operate, and government buildings, entire streets and even towns became the strongholds of warlords. Many Somali cities, including the capital city Mogadishu, were utterly destroyed by clan-based violence and governed through fear and death. Somalia had become, and was rightfully labelled, “a failed state” by the world and neglected for over two decades by the international community. Interim government replaced yet another interim government and the Somali public had all but given up on these administrations decided for them in foreign capitals across the world. Today, Somalia is still a patient in critical care, but it is slowly turning the corner. Where once tribal militias controlled different sections of the same road, where most citizens were armed for personal protection and the government had no control par a few streets in the capital, the Somali government today is working toward achieving its six-pillar plan which, at its core, includes security, constitutional reform and a clear, equitable and workable federal model for a stronger, prosperous and united Somaliaamong other things. It is easy for a government minister to speak of changes, and it is often referred to as propaganda by critics. However, a simple inspection of facts on the ground in Somaliawill illuminate the progress of our nation. The large Somali diaspora scattered across the world are returning in large numbers to work and invest. The Somali national army is getting stronger by the day and is capable of fighting effectively alongside the African Union peacekeeping Mission in Somalia (AMISOM) on raids and liberating cities and entire regions that once were no-go zones controlled by al-Shabab. Additionally, once dark streets infested by terror, fear and almost owned by militias are now lively hubs of business, commerce and family homes. As I travel across the capital Mogadishu, while the physical signs of the past conflict are visible, the hope the public has invested in a better future eclipses it. The message is always made clear to me through these observations and public meetings: The Somali people have had enough of the failed politics and society. They want peace, prosperity and progress. And they want it now, not later. Turning around a once failed state is extremely difficult, and it is impossible to do it alone even if one had all the resources necessary. The Somali state building process is going well, and we are progressing toward 2016 with every expectation of fulfilling our six-pillar plan as a government. We are hopeful that, if we continue as we are with inclusive politics, accountability and joint partnership working at the heart of all our policies, this government will be able to deliver Somalia to a new historical dawn. However, without the assistance of the international community, the first of which is Turkey, this ambition would not have been possible. The Somali people will never forget that, while most partner agencies, let alone governments, feared setting foot in Mogadishu, Turkish President Recep Tayyip Erdoğanand his family arrived with an impressive delegation, including the former Foreign Minister and current Prime Minister Ahmet Davutoğlu, to highlight the need of the Somali people in the middle of a civil war in August 2011. This first visit by an international leader in nearly 20 years, arguably, returned Somalia to the international spotlight and transformed the country’s image from one of a violent, lawless state, to one that deserved a chance and needed genuine support from the international community. As Prime Minister Davutoğlu predicted at the time, many more nations came and are still coming after Turkey, and are opening their embassies right here in a once war-torn country. This one historic visit opened the door wide open for positive international engagement for our struggling, but improving country. Aside from destroying negative perceptions of Somalia, the Turkish government had been swift in its support through aid, education and infrastructure rehabilitation and building. Today, thousands of Somali students study in Turkish universities and in military academies through scholarships, and many more will benefit from this vital personal and national life line in the future. The Turkish government is also rebuilding our roads, schools and vital infrastructure to spearhead economic, political and social reform, as well as supporting institutional development through the provision of crucial public servant salaries and training. Turkish aid and expertise is working across our government departments to bolster our future capability to deliver for our people. The Somali people are indeed indebted to their Turkish brothers and sisters and the kind leaders they have chosen to lead them. Turkey has had a long, proud, but turbulent history of its own and Somalia is no different. We hope as a nation that we are able to resolve our differences, as Turkey did on various occasions throughout its history, and agree on a common path informed by a united national vision as exists in Turkey today. There is much for us to learn from Turkey on our journey to peace, security and prosperity, and we Somalis will remain eager students and loyal friends. In a fast-paced, ever-changing world, informed by globalization and greater interconnectivity and dependency, Turkey has much to offer the world. Its return to the international scene as a donor, and not aid-recipient, nation after a successful national rebirth is something the world should welcome. We certainly do in Somalia. Abdirahman Dualeh Beileh is the Minister for Foreign Affairs and Investment Promotion of the Federal Republic of Somalia.

Yuu Matalaa? Yuu Wax Taraa ? By: Sakaria Abdi Sulub

Masuulkan isagoo aan lahayn awoodii uu hogaan fiican oo tusaale ah ku noqon lahaa ayuu haddana ku sifoobay nin aan waxba dhageysan oo mar walba diiqadeysan. Maamulka iyo hogaaminta hay'ad qaran oo miisaankan leh ma aha wax fudud oo uu qof waliba kari karo inuu socodsiiyo hawlaheeda. Waxa la arkaa in dadka qaar ku fashilmaan xilkii loo igmaday. Hasa ahaatee waxaa lagu kala duwan yahay sida loo balaadhiyo fikirka ee loo urursado talada iyo aragtiyaha. Marka aan hoos ugu daadego nuxurka aaraarta oo ah in wasiirkii warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka. Bal u fiirso masuuliyadaha is dul barkan haddii wasiirkani aanu lahayn awoodii hogaamineed iyo kabasitigii uu wax ku maamuli lahaa waxa uu u baahan yahay in uu wax dhageysto oo uu dadka xirfadlayaasha ah ee waayo araga ah shirar u qabto. Halkaasna ay ka soo baxaan. qorshe howleedyo leh istaraatiji aqoon ku dhisan oo horseedi kara horumar la taaban karo oo ay ku talaabsato wasaaradda warfaafintu. Masuulkan isagoo aan lahayn awoodii uu hogaan fiican oo tusaale ah ku noqon lahaa ayuu haddana ku sifoobay nin aan waxba dhageysan oo mar walba diiqadeysan. Waxa kale oo uu adeegsaday dariiq xun oo uu horseed ugu noqdo iska horkeen, khilaaf abuur, buuq kicin iyo xiisad aan go'ayn oo uu wasaarada kula dhex dhacay. Taas oo ay cid waliba ogeyd sidii uu u kala qeybiyay shaqaalihii wasaarada halkii uu ka mideyn lahaa. Taasina waxa ay ragaadisay geedi socodkii horumarineed ee wasaarada. Wasiirkan ma fahamsana xilkiisu inuu yahay horumar ay sameyso wasaaraddiisa oo ah wasaarada qaranka u qaabilsan in inay jiheyso, wacyi galiso oo horumar ku hanuuniso bulshada. Guud ahaan saxaafaddana u abuurto xeer haboon oo lagu dhaqo. Balse waxa uu ku dedaalay waxyaabo uu colaad iyo mucaarad ugu abuuro xukuumada. Taas waxa aan ku cadeynayaa mid aniga shaqsiyan igala kulantay oo ka mid ah waxyaabihii uu wasiirkani igu maagay xaqeygiina ku duudsiyay. Waxa ay ahayd markii uu qaar ka mida xaafadaha Hargeysa ka dhacay mudaharaad ay dadku kaga cabanayeen booyadaha biyaha dhaamiya oo shaqo joojin ka sameeyay cashuuro ay wasaarada maaliyadu ku soo rogtay. Banaan baxyadaas waxa aan ka mid ahaa dadkii iskood isu xilqaamay sidii ay u joojin lahaayeen. Markii xaaladii ay dhamaatay waxa aan wax ka qoray dhacdadii mudaharaadka. Taas oo aan barbar dhigay maalintii ay isla xaafadahaasi ka banaan baxeen RIIGII biyaha waqtigii Daahir Rayaale oo aan isbarbar dhig ku sameeyay habkii loo adeegsaday xakamayntii rabshadahaasi. Maalintaasi waxaan xasuusnaa in khasaare aad u balaadhan uu jiray oo si axmaqnimo ah dad biyo doonaaya loogu adeegsaday Zuug dhimasho iyo dhaawac badan sababay. Markaa waxaan kahadlay sida masuuliyiintii dadkan matalayay maalintaa aan loogu arag goobtaa. Waxaa sharaf badan aan ku siiyay qoraalkeygaasi. Wasiirka Arimaha gudaha mudane Cali Maxamed Warancade oo isagu si geesinimo leh u soo dhex istaagay goobtii ay rabshaduhu ka socdeen si odaynimo ah oo madaxaxnimo ah oo walalnimo ahna waan waan u galay, arrintiina soo af-jaray. Waa wax mudan in lagu faaniyo qof shaqo fiican qabtay. Waxa kale oo aan aad ugu amaanay qormadeydii waqtigaasi masuuliyiintii ciidamada nabad galyada oo uu ugu horeeyo taliyaha ciidamada booliska Somaliland Sareeye guuto: C/aahi Fadal Iimaan oo tudhaale badan muujiyay si ay ula tacaalaan rabshadihii. Waxa aan abaabulay in waxgaradkii iyo bulshada xaafadahaasi qabtaan shirar ay ku cadeynayaan inaan banaanbuxu ahayn mid mucaarad iyo siyaasad shaqo ku leh. Una mahadnaqaan xukuumada iyo masuuliyiintii sida xklkasnimada leh uga damqaday.................... Lasoco qeybaha dambe By: Sakaria Abdi Sulub Senior journalist Email: sekriasulub@gmail.com Mob: +252 63-441-3932
WARKII UGU DANBEEYEY

DAAWO : Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Mudqisho ku Laabtay

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Mudqisho ku Laabtay
Copyricht @ 2014 Horn Cable TV
: THIS SITE DESIGNED AND DEVELOPED    Quality Technology Link

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress